Wafti ka socda Dalka Sucuudiga oo uu hogaaminaayo Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Africa ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan laqaatay wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka

Wafti ka socda Dalka Sucuudiga oo uu hogaaminaayo Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Africa ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan laqaatay wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL. Kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, Qodobada ay ka wada hadleen waftigu iyo wasiirku ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iyo horumarinta mashaariicda biyaha ee laga fulinaayo dalka iyo iskaashiga labada dawladood ee dhanka horumarinta biyaha. Sidoo kale waftigu waxay booqasho indho indhayn ah ku gaadheen dhismaha biyo xidheenka wayn ee bohol-qawlo ee degmada gebiley ka socda,kaas oo ah mashruuc ay fulinayso dhismihiisa Jamhuuriyada Somaliland.