Hirgalinta Nidaam-biyoodka Afar magaalo oo ka Tirsan Gobolka Sanaag

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha iyo Hay’adda Islamic Relief ayaa kala saxeexday heshiis lagu hirgalinayo nidaam biyood loo samaynayo afar magaalo oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta khayraadka biyaha Maxamed Xasan Dirir oo heshiiska sharaxaad ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu iyo Hay’adda Islamic Relief waxa ay wada fulinayaan Mashaariic biyood afar magaalo oo degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag hoos yimaada oo aynu rajaynayno in bulshadu ay noloshooda wax badan ka bedeli doonto. Magaalada Doonyaha la yidhaahdo nidaam biyood dhamaystiran oo uu ka mid yahay in ceelkii loo qodo oo Bamkii lagu xidho loona dhiso…